Qorshaha Cusub Ee Raysal-wasaare Abya Axmed Bilaabay

Raysalwasaare Abiye Axmed ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu ku Waajahayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Dr Abiye ayaa dhawaan magaalada Addis Ababa ku martiqaaday Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo uu u bandhigay qorshe ah inuu dhinaca Soomaaliya gadhwadeen ka noqdo wada hadalada iyo qorshaha ay Soomaaliya ku waajahayso Somaliand, taas bedelkeedna uu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo noqdo marjaciisa, Isbedelkan ayaa la sheegay in Raysalwasaare Abiye ku sababeeyay fikir uu qabo oo ah in reer Somaliland xaasaasiyad ka qabaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Raysalwasaare Abiye Axmed ayuu warku sheegay inuu qorsheeyay inuu kulan magaalada Addis Ababa ku dhex maro Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaare Xasan Cali Khayre dabayaaqadan bishan April, laakiin fiditaanka Covid19, ayaa la saadaalinayaa inuu sabab u noqon doono baaqashada kulankaas.

Wararka qaarkoid ayaa iyaguna waxay sheegayaan inuu wada hadal dhinaca Telefoonka ahi dhex maray Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Geesta kale Madaxweyne Biixi ayaa kulan uu toddobaadkii hore madaxtooyada kula yeeshay Guddoomiyaha golaha guurtida iyo madaxda xisbiyada mucaaradka, waxa la sheegay inuu si kooban ugaga waramay qorshe uu Raysalwasaare Abiye Axmed dabada ka riixayo oo ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana falanqayn kooban ka dib la sheegay in Madaxweyne Biixi uu madaxda siyaasadda Somaliland ee uu la kulmay u sheegay inuu si rasmi ah ugu warami doono 10 maalmood ka dib.

Waxa iyaguna toddobaadkan ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland oo sheegay inay salaadiin ahaan qayb ka noqon doonaan wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.

Xigasho Geeska Africa.