Wasiirkii Madaxtooyada Neyjeeriya oo u Geeriyooday Corovavirus

LAGOS – (WARSOOR) –  Abba Kyari oo ahaa wasiiirka madaxtooyadda Neyjeeriya ayaa Jimcihii u geeriyooday xanuunka Coronavirus ka dib markii xanuunkaasi uga yimid dad qabay xanuunka. Sidaasi waxaa sheegay afhayeenka madaxtooyadda Neyjeeriya.

Wasiirkan geeriyoodey oo da’diisa lagu sheegay 77 jir, waxaa hayey xanuunka macaanka. Ninkan ayaa ahaa dadka ugu awooda badan uguna sareeya golaha wasiiradda ee dawladda Nigeria.

Afhayeen Garba Shehu oo isticmaaleysa magac-sharafeedka Abba Kyrai ayaa twitter-keeda ku shaaciyey dhambaal tacsi ah oo madaxweyne Bhura ku leeyahay sidan, “Madaxweynuhu wuxuu si muruga leh u tacsiyadeena geeridii ku timid wasiirkii madaxtooyadda Mallam Abba Kyari,”

Qoraal labaad oo la soo dhigay Twitter ayaa lagu yidhi, “Baadhitaan lagu sameyeey ayaa lagu ogaadey inuu qabo xanuunkaa, waxaana lagu wadday daaweyn, balse 17 April ayuu geeriyooday”.