Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland oo ku baaqay in la baabiiyo Golaha Guurtidda, xukuumaddana dhaliilay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadda dalka, waxaanu ku baaqay in gabi ahaanba la tirtiro golaha guurtidda, sidoo kalena golaha wasiiradda iyo la taliyayaasha fara badan la dhimo oo la sameeyo xukuumad kooban oo tayo leh.

Maxamed Xaashi Climi oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wadda tashiga iyo toosinta qaranka ayaa shir jaraa’id oo uu Arbacadii ku qabtay magaaladda Hargeysa waxaa ka hadlay dhaliilaha ay leeyihiin dhadhaaradda ay xukummadda Somaliland ka kooban tahay, waxaanu talo-bixin ku soo jeediyey arimo dhawr ah oo uu u arkay inay xal u tahay xaaladda dalka.

Ugu horayn ayaa sheegay in xukuumadda iyo labadda gole ay heshiis ku yihiin markasta muddo kordhin la sameeyo iyo in dib loo riixo doorashooyinka golayaasha qaranka waxaanu yidhi Siyaasi Maxamed Xaashi, “Marka uu madaxweynuhu muddo-kordhin soo qorto guurtidu way la boodayaan, Wakiilladuna way ka aamusaan, waayo saddexduba waxa ay ku heshiis yihiin mushaharkaas yar ee ay qaadanayaan baa kala weyn danihii umadda, muddo-kordhintan ay daba socdaanna xilkoodii baan cidina kula xisaabtamaynin.”

Waxa uu sheegay inuu meesha ka baxay isla-xisaabtankii fulinta iyo xeer dejintu, isla-markaana ay dabar go’een qoor-weyntii guurtida ee samo-taliska ahayd, “Baarlamaankii dawladda la xisaabtami lahaa baa meesha ka baxay, guurtidiina maba joogaan odayaashii la doortay oo waxba kama hadhin, 11-baa ka hadhay oo Shan baa ka caafimaad qabta, inay guurti jirtona maba aha, waayo ilaa intii la sameeyey dhibaato mooyaane wax khayr ah oo ay keeneen ma jirto, intii aynu miyiga joognay ee aynu dagaallada ku jirney way fiicnaayeen, laakiin marka ay madaxweynaha arkaan waxoodu waa ka kac,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay inaanay hay’adaha kala duwan ee qaranku danaynaynin dhibaatada abaareed ee bulshada haysta, isla-markaana ay eexaysanayaan mushaharka ay qaadanayaan, waxana uu yidhi, “Guurtida, xukuumadda iyo wakiilladu waxa ay ku heshiis yihiin mushaharkaas ay qaadanayaan inay kordhistaan sharci iyo shaci-daroba, abaaraha ina haya oo dadkii baa bakhtiyaya muddo-kordhiskanina waxba kama tarayo.”

Waxa uu soo jeediyey maadaama xaalad abaareed lagu jiro in tirada golaha wasiirrada hoos loo dhigo tirada badan ee golaha wasiirrada iyo dadka kale ee lacagaha aan muhiimka ahayn iska qaata, “Fasahaadka lagu jiro waa in la dhimo oo Toddobaatankan wasiir iyo inta xil-sugee la yidhaahdo ee aan xafiis lahayn ee mushaharka qaata iyo la-taliye ee aan Odaygaba arag  la dhimo ayey ahayd oo wixii kasoo baxa umadda wax loogu qabto ayey ahayd” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.