Wasiirka waxbarashada oo kormeer ku tagay dugsiga sare ee Waran cadde ee magaalada Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa kormeer ku tagay dugsiga sare ee Waran cadde ee magaalada Hargeysa kaas oo kamid ah dugsiyada ay waxyeeladu kasoo gaadhay Roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Hargeysa.

Maamulaha dugsiga sare ee Waran cadde ee Hargeysa oo warbixin siiyay wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in roobabkii kala duwanaa ee ka da’ay caasimadda Hargeysa ay saameeyeen dusgiga  isla markaana uu qarka usaaaran yahay inuu daadku dumiyo.

Axmed Maxamed Diiriye Toorno wasiirka waxbarashada iyo Sayniska JSL oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in deg deg ah wax looga qaban doono dugsiga sare ee waran cadde iyadoo ay dhismaha dugsiga iyo sidii looga ilaalin lahaa Dooxa ay iska kaashanayaan Wasaaradaha waxbarashada, Hawlaha guud, iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa.