Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Masuuliyiin iyo Dhakhaatiir ka Socday Shirkadda Water and tribes company ee Dalka Maraykanka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin iyo dhakhaatiir ka socday Company-ga (Water and tribes company) ee dalka maraykanka kuwaas oo muddo 3 casho ah Olole caafimaad ka fulin doona degmadda Bali Mataan iyo deegaanada hoos yimaada.

Kulankan oo ay wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xuseen iyo xidhiidhiyaha guud- Dr.Cumar Maxamuud Xirsi, isla markaana ay qayb ka ahaayeen hay’adda WARSAN. Wasiirka ayaa waftiga kusoo dhaweeyey Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isagoo ka dhagaystay waftiga hawshan muhiimka ah ee ay u socdaan iyo muhiimadeeda.

Ugu dambayn wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in ololahan caafimaad ka bilaabmo degaankan iyo in la sii xoojiyo wada shaqaynaynta companygan iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.