Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Oo Kulan la Qaatay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kulan la qaatay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood iyo masuuliyiinta kale ee Wakaalada Biyaha .

Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanaa dhamaystirka Biyo galinta caasimada ka socota lagu daro meelaha ay gaadiidka Dab-demisku ka qaadan karaan Biyaha ( Fire Hydrants) .

Ugu horayn waxaa halkaa warbixino ka soo jeediyay saraakiisha Biyo galinta ku fooggan waxaanay sharaxeen biyo gelintu siday u socoto, waxaanay sheegeen in goobihii hore loo qorsheeyay ay sidoodii yihiin dhawaana la hawlgalin doono.

Gebagabadii waxaa Ciidanka Dab-demisku wuxuu u Mahadnaqayaa masuuliyiinta Wakaalada Biyaha iyo guud ahaan ba shaqaalaha Wakaalada waxqabadka ballaadhan ee ay waddanka u hayaan, khaasatan Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland, tanina waxay muujinaysaa horumarka ay xukuumada Somaliland ka samaysay dhismaha Ciidanka Dab-demiska gaar ahaan Fire Hydrants ka, iyadoo ay tahay caasimada Hargeysi meelihii ugu horeeyay ee laga yagleelayo nidaamkan guud ahaan Bariga Afrika.

Maareeye Daarood ayaa muddadii uu maamulka hayay wuxuu wax weyn ka qabtay nidaamka Biyo balaadhinta magaalada Hargeysa, waxaana nidaamkan Dabdemisku wax weyn ka tari doonaa habka gurmadka dabdemiska.

Allaa Mahad leh