Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Oo Ka Hadlay Amniga Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL,Mudane Maxamed kaahin ahmed,ayaa kulan dardar-gelin shaqo ah la yeeshay madaxda sare ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed,waxa kulankaasi ku wehelinayey Wasiir ku-xigeenka,Agaasimaha Guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Arimaha Gudaha.

kulankan ayaa ujeeddadiisu daarnayd arrimaha amniga Doorashada innagu Soo foodleh iyo sidii amnigeeda loo adkayn lahaa,looguna baraarujin lahaa shacabka Somaliland inay la shaqeeyaan Ciidamada Kala duwan ee dalka.

Wasiirka ayaa kulankani intii uu socday warbixinno ka dhagaystay agaasime waxeed yada Wasaaradda Arimaha Gudaha, waxaanu kula dardaarmay masuuliyiinta in la sii laban laabo dedaalka.