Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE ee Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex oo Tabobar looga Furay Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR)- Muraaqibiinta xisbiga KULMIYE uga hawlgeli doona qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex doorashada isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaannada dalka, ayaa tababar looga furay magaalada Hargeysa maanta.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Ibraahim Axmed Raabbi iyo Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), ayaa ka furay tabobarkan oo ka qabsoomay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaas oo loo qabtay muraaqibiinta xisbiga KULMIYE goob-joogga uga noqon doona goobaha doorasho ee hoos yimaada degmooyinka kala ah; 26 June, Koodbuur, Gacan-libaax, Sabawanaag, Caddaadlay, Faraweyne, Daarasalaam iyo Laasgeel, kuwaas oo la siinayo duruus la xidhiidha fahanka hawsha loo igmaday muraaqibka iyo ilaalinta shuruucda doorashooyinka.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Ibraahim Axmed Raabbi iyo Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye) oo hadallo ka jeediyey furitaankii tabobarka, ayaa kula dardaarmay muraaqibiinta inay weeleeyaan casharrada hagaha u noqon doona hawlgalkooda ee la siin doono oo ay ugu mudan yihiin waajibaadka shaqo ee laga doonayo qofka muraaqibka ah, masuuliyadda uu qaadayo, qaababka uu u gudanayo shaqadiisa, ilaalinta codka iyo sharafta xisbigiisa uu metelayo, hawlgallada ugu muhiimsan laga doonayo iyo waqtiyada ugu habboon ee fulinayaa, qaabka ay u wada xidhiidhayaan xisbiga KULMIYE iyo qodobo kale.

Ugu dambayntii, macallimiin iyo shirkado ka shaqeeya tabobarrada iyo talo-bixinta oo loo diyaariyey bixinta tabobarka, kuwaas oo uu qayb ka ahaa Mr. Cabdixakiin Siciid Bustaale oo isagu ka tirsan xisbiga KULMIYE, waxaanay halkaasi kula wadaageen muraaqibiinta macluumaadka loogu talogalay.