Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL oo Booqday Laba Beelood Diriri Ku Dhex Martay

Ceel-Afweyn – (warsoor) – Wafti baladhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL mudane Cali Maxamed Warancade ayaa gaadhay deeganka Bacaha ee ka tirsan Degmada ceel afweyn ee gobolka Sanaag, halkaasi oo diriri ku dhex martay laba beelood oo walalao ah.

waran-cadde

Waftidan ayaa wasiirka ay ku wehelinayaan wasiirka gaadhaan dhiga iyo wasiirka dib u dajinta somaliland waxaana magaalada ceelafweyn kusoo dhaweeyey badhasaabka gobolada Sanaag iyaga oo waftidu isla maantaba gudoonsiiyey galeen xalinta shaqaaqada labada beelood.

Wasiirka iyo badhasaabka gobolka sanaag ayaa warbahinta kula hadlay Degmada ceel afweyn ka hor intii aanay gaadhin deegaanka bacaha.

waxaana wasiirku sheegay inaan dalku lahayn laba ciidan ee dalku leeyahay ciidan qaran isla markaana aan la arki karin nin shiciba oo hubaysan cidii lagu qabtaana ay ciidanku ku amran yihiin inay gacan bira ku qabtaan.

“Dalku malaha laba ciidan waa qaran waxaanu leeyahay ciidan qaran oo amaanka dalka masuuliyadi ka saara tahay cidii lagu qabto ciidanku xaq waxa uu u leeyahay inuu marka hore dhig ku yidhaa hadii uu dhigi waayana ay shaqo ka qaban doonaan cidna aan loo raacin” wasiir cali maxamed warancadde.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray dadkii ku dhaawacmay dagaalkii dhex maray laba beelood waxaanu ilaahay uga baryey inuu ilaahay caafimaad siiyo.

weftigi-wasiiirka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.