Wasiirka Madaxtooyadda oo Ka Hadlay Nabad-galyadda Taala magaaladda Laascaanood

Laascaanood – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti balaaadhan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbgia KULMIYE md. Muuse Biixi ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo qabtay daahfurka qaadashada kaadhka cod-bixinta ee gobolka Sool.

Munaasibadaasi oo maanta ka qabsoontay xarunta Jaamacada Laascaanood ee Nugaal ayaa waxa khubad ka jeediyey Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi waxaanu yidhi “  Saaka farxad weyn ayey noo tahay in aannu halkan Laascaanood idinla joogno, ILAAHAY ayaa (SWT) ku mahad-san inoo qadaray goobtana isugu keen-keenay, waxa aynu daahfuraynaa wajigii labaad iyo gabagabadii diiwaangalinta cod-bixiyeyaasha doorashaayinka Jamhuuriyadda Somaliland. Goobta aynnu joognaa waa jaamacadii ummadda ee gobolka Sool, hadh-galayna waynu joognaa, bulshadii iyo qoorweyntii gobolka Sool iyo madaxdii xisbiyada qaranka ayaa halkan ku sugan, waa wax aad u weyn waxaannu u nimid in aannu barnaamijkan daah-furno dadka ku guubaabino inay kaadhkooda qaataan, si ay u codeeyaan.”

 

Wasiirka aya a sidoo aklena yidhi “ Way mudan tahay inaynu dib u milicsano taariikhda, waxa laga yaabaa inay dadku wax iska ilaabaan, Aadamaha aragtidiisu way iska gaaban tahay hadba maalmaha uu joogo ayuunbuu wax ku qiyaasaa, 15/October/ 2007-dii ayey gobolka Sool magaalo madaxdeeda Laascaanood ee aynu maanta joognaa dawladda Somaliland maamulkeedu ku wareegtay, sagaal sanadood waxa magaallada Laascaanood maamulkeeda gacanta ku hayey maamulka Puntland, Sool maanta halka ay marayso waynu aragnaa beena laga sheegi maayo, faana maaha mudadaa sagaalka sanadood ahayd nabad galyadeeda waa la ogaa siday ahayd, waxa laga yaabaa inay maanta talinayaan rag badan oo maalintaa caruur ahaa ama caydi ahaa, dad badan-na in aanay xogogaal u ahayn ayaa laga ayaabaa, hadhka-galay ayaa suuqa laysku toogan jiray, dilkuna fasax ayuu iska ahaa, Sagaalkaas sanadood maamulka Puntland waxa ay kaga tageen Maxkamad qabyo ah, Somaliland  toban sanadood ayey gacanta ku haysay gobolka Sool, caasimadeeda marka ay ka bilaabanto marba in ayaa sii kordhaysay ilaayo deegaamadii kale marba in lagu siqay, siqidaasi xoog lagu siqay iyo xoog lagu haysto midna maaha, rag xoog isku haystana ma nihin, Ismana muquunin karno, ismana gumaysan karno, raggii ina dhalay, awoowyaasheen iyo Aabayaasheen ismana muquunin jirin ismana gumaysan jirin, waxa aynu nahay dad wax wada leh, waxa ay ku timid dib u heshiisiin, waxay ku timid nabad iyo inaynu is garwaaqsano oo wax wada lahaano.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay nabda gobolka Sool waxaanu yidhi “ Nabadda maanta gobolka Sool taalaa waa ta ka turjumaysa in Jaamacadda Nugaal ee aynu maanta hadhkaa galay fadhino iyo 177 goobood oo gobolka Sool ka mida oo aynnu doonayno inaynnu khaadh ku qaybino, waxay tusaale u tahay tobankii sanadood isbadalka lixaadka leh ee gobolkan ka qabsoomay, shacbiga gobolka Sool way dadaaleen, maanta dhismayaasha, hudheelada bilicdooda iyo camirnaanta waynu aragnaa, shacbigu waa dadaalay, dawladihii kala dambeeyeyna way dadaleen, tii Madaxweyne Daahir Rayaale sadexdii sanadood waxbay qabatay, Anagguna todobadii sanadood Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu gadhwadeenka ka yahay wax badan ayaanu qabanay , wixii aanu qabanay hadaanu sheegano faan maaha, hadaanu ku celcelino been maaha, waxa laga-yaabaa in saacadaha qaarkood lays dafiro, dabalylaha iyo saxansada doorashadu markay soo dhawaato waa lays dafiraa, gudoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan waa mahad-san yahay, waa nin oday ah, wuxuu yidhi waanu u ogol nahay inay faanaan, Faani mayno ee run ayaanu sheegaynaa. Nabadda gobolkan ka muuqata ee aynu doonayno inaynu maanta deegaamadaas oo dhan kaadh ugu qaybino, waxa weeye midhihii iyo tacabkii iyo waxqabadkii Xukuumadda, Nugaal oo aynu maanta fadhino, oo Jamaacadaasi sida ay tahay iyo waxqabadka ka muuqda, oo raggii iyo hablihii ka baxay ay maanta inaga inoo adeegayaan, oo ay inagala shaqaynayaan diiwaangalintii, waa midhihii tacabkii aynu beernay.”

 

Wasiir Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay horumarka gobolka waxaanu yidhi “ Mudadii labadii sano ee u dambaysay (27) todoba iyo labaatan mashruuc ayaanu ku fulinay gobolka Sool, oo kala duwan, ceelal, dhismayaal xarumo maamul, saldhigyo, Iskuulo, sadex ka mida waxa maalgaliyey mashruuca horumarinta Somaliland (SSDF), oo ku kacay lacag ilaa sideed milyan oo doolar ah ($8, 000, 000), oo mashruuca biyaha macaan ee magaallada Laascaanood, oo aannu doonayno in aannu balaadhino oo shirkado madax banaan u dhiibno, waxa ka mida mashruuca Cisbitaalka magaalada, waxa ka mida dugsida sare ee Boodinka ah, ma sahlanayn, waxa iska imidna maaha, gobolka waxa dad inaga soo horjeedaa ay ku calaamadiyeen dhul lagu muransan yahay, ma sahlanayeyn in aannu ku qancino deeq-bixiyeyaasha dawlahadaha mashruucaas inagga caawiya in halkan laga dhiso, dood aad u adag ayaa na dhex martay gabaogabadii iyo guntiina waanu qancinay, Laascaanood waa magaalo madaxdii balse waxaannu hawlo badan ka wadnaa degmooyinka kale Xaysimo ayaa ka mida, waxaannu ka wadnaa afar mashruuc oo gabogabo ku dhow, Xudun iyo Kalabadhayd ayaannu ka fulinay, Dharkayn-geeyo ayaannu ka fulin doonaa, waxaasi waa horumarka la wado, ummmaddu way kala jaanqaad horaysay, Qarankan waa inuu caddaalad helaa, qaarkoodna inay meel barwaaqo iyo sareedo ah ku noolaadaan, qaarna ma noqon karaan kuwo ku noolaada meel colaad iyo dhibaato ka taagan tahay, waa in midnimadoodu sinaadto, waa in aqoontoodu sinaato, waa in maal-gashigoodu sinaado, siduu ku iman karaa? nabaddu iyadaa muftaaq u ah, hadii nabad gobolkan laga galiyo, horumarkuna waa imanayaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.