Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Balan-qaadkii ugu Weynaa Abid u Sameeyey Ciidamada Somaliland iyo Shacabka Reer Laascaanood

Laascaanood – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ku dhawaaqey balan-qaadyadii ugu waaweynaa ee abid loo sameeyo ciidamada Somaliland iyo weli ba sida oo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waxaana uu sheegay in uu kor u qaadi doono Mushahaarada ciidamada sida oo kale na uu askari kasta oo Somaliland ah ay Xukuumadda WADDANI u dhisi doonto hoy ama guriuu ay ku noolaadaan sida oo kale mashruuca horumarineed ee ugu horreeya ee ay xukuumaddiisu qaban doontaa uu yahay siddii biyo macaan looggu soo saari lahaa magaalada Laascaanood oo hada muddo dheer isticmaalaysay biyo aad u qadhaadh.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey xafladda daah-furka qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada ee gobalka Sool oo ka dhacday magaalada Laascaanood, waxaana uu ugu horreyn fariin ku aadan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta isaga oo ugu baaqey in ay shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Sool iyo magaalada Laascaanood ba ay qaataan kaadhka codbixinta Doorashada si ay u gutaan buu yidhi xaquuqdooda dastuuriga ah.

“Maanta waxa aynu iskugu nimi munaasibaddan oo lagu daah-furaayo bilowga qaadashada kaadhadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada ee gobalka Sool iyo weli ba Sanaag oo isku maalin dhacaaya , markaa fariinteydu waxa aweeye dhammaan ba shacabka Somaliland ee ku nool gobalka Sool iyo Sanaag ee hore isku diiwaan-geliyey in aanay maanta fursaddaas dayacin oo ay qaataan kaadhadhka codbixinta si ay u helaan fursadda ah in ay codeeyaan oo cidda ay iyagu rabaan ay codka siiyaan, waanan ku adkeynayaa dhammaan ba shacabka in ay qaataan kaadhadhka si ay u helaan xaqooda oo ay u codeeyaan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu si adag u naqdiyey hadalo faan ah oo inta badan ka soo yeesha mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE kuwaasi oo fagaareyaasha siyaasadda iyo goobaha bulshadu iskugu timaado ba kaga faana waxqabadyada ay sameeyaan balse waxa uu sheegay in wax-qabadyadaasi aanay ahayn kuwo ay iyagu u qabteen shacabka ee ay qeyb ka yihiin kaalmooyinka la soo siiyo shacabka Somaliland ee mashruuca SDF kow ka yahay, waxaana uu yidhi:-

“Xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya in ay xoogaa iska faanaan waanu u ogalahay waayo xukunkii dalka ayey hayaan. Mashaariicdaa ay sheegeen ee ay ka mid yihiin iskuulka boodhinka ah, dhakhtarka iyo waddooyinka ba intooda badan waxa laga dhisay kaalmada aynu ka helno dibadda laakiin waa in ay u sheegaan mashaariicdaas horumarineed in laga helay kaalmooyin Somaliland la siiyey se in ay iskaga faanaan waan u ogalnahay, waxaana laga rabay in iyaga uu faankoodu ku koobnaado wixii ay qabteen se ay balan-qaadka u daayaan Xisbiyada mucaaradka ah.”.

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlaaya barnaamijka siyaasaddeed ee Xisbigiisu ku hagaayo dalka, ayaa waxa uu si cad u soo bandhigay balan-qaadyada rasmiga ah ee uu u sameynaayo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo weli ba guud ahaan ciidamada Somaliland isaga oo sida oo kale na sheegay in dawladdiisu ka shaqeyn doono siddii loo fidin lahaa nidaamka maamul ee dalka isaga oo hoosta ka xariiqay in ay ciidamada Qaranka ka saari doonaan magaalooyinka isla mar ahaantaana ay geyn doonaan xuduudaha dalka.

“Barnaamijka uu Xisbiga WADDANI doonaayo in uu ku galo Doorashada shacbiga wuu u soo bandhigay, waxba faah-faahin maayo se waxa aan lee yahay barnaamijkayaga nagu doorta. Balan-qaadkayagu na waa uu badan yahay se waxa aan ku soo koobayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waanu ka xun nahay in illaa maanta aanay lahayn biyo macaan, markaa shacbiga Sool degan gaar ahaan Laascaanood, waxa aanu u balan-qaadeynaa in mashruuca ugu horreeya ee aanu balan-qaadeynaa uu noqdo in ay hesho biyo macaan, balan-qaadka labaad na waxa aanu u balan-qaadeynaa ciidamada Somaliland anaga oon kala saareyn in aanu mushahaarada u kordhino 250%. Waxa kale oo aan balan-qaadayaa aabahay baa askari ahaan jiroo anigu waan soo arkay askartu guryaha ay ku noolaan jireen markaa in aan hoy(Guri) u sameyno askari kasta oo ka tirsan ciidamada Somaliland. Waxa kale oo aanu ku dedaalaynaa oo aanu balan-qaadeynaa in aanu maamul daadejinta fidino oo aynu gaadhsiino xuduudka Somaliland inaga oo iskaashaneyna oo gacmaha is haysana dhammaan ba dadka deegaanka ku nool, ciidamadeena na inta aynu magaalooyinka ka rarno aynu geyno xuduudka Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.