Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Tababbar U Furay Qaar Ka Mid Ah Waaxda Cashuuraha Ee Wasaaraddaasi

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa tababbar u furay qaar ka mida shaqaalaha waaxda cashuuraha bariga ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan ayaa sheegay in tababarkaasi ku saabsan yahay tacriifadaha cashuuraha, hage yaasha qasnajiga, xeerka anashax shaqaalaha, warqada dhawrista xogta iyo wax-ka bedelka warqada cashuuraha waddo marista, agaasimuhu wuxuu intaas ku daray in kor u qaadida aqoonta shaqaalaha waaxda cashuuraha bariga ee wasaaradda maaliyaddu ay ka muuqato shaqada ay shaqaalahaasi ka hayaan xarumaha cashuuraha bariga ee ay ka hawl-galaan.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland marwo. Hinda Jamaac Xirsi ayaa waaxda cashuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda ku bogaadisay shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanay u soo jeedisay inay dedaalka halkaas ka sii wadaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo halkas ka hadlay ayaa xubnaha waaxda cashuuraha bariga ee tababbarkaasi u furmay u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan casharada la xidhiidha tacriifadaha cashuuraha, hage yaasha qasnajiga, xeerka anashax shaqaalaha, warqada dhawrista xogta iyo wax-ka bedelka warqada cashuuraha waddo marista ee mudada tabobarkaasi socdo ay ku qaadan doonaan, wasiirku wuxuu intaas ku daray inay sii wadi doonaan tababbarada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda maaliyadda Somaliland.