Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Kulan U Qabatay Isu-duweyaasha Gobollada Ee Hay’addaasi

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa tababbar u furay masuuliyiinta hay’addaas ee gobollada dalka.

Tababbarkaas oo socon doona laba maal-mood ayaa ku saabsan sugida hannaanka mushar bixinta shaqaalaha dawladda iyo habraaca lagu joogtaynaayo casriyaynta xaashida muhar bixinta.

Xirsi Cabdilaahi Cirro oo ah xidhiidhiyaha mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo wasaaradaha ayaa sheegay in kulankaasi yahay mid muhiimad u leh kor u qaadida shaqada isu-duweyaasha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland u jooga gobollada dalka, iyada oo kulankaasna lagu falan qayn doono sidii masuuliyiintaasi u fahmi lahaayeen nidaamka cusub ee shaqaalada dawladu u shaqayn doono sannadkan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo kulankaas si rasmi ah u furay ayaa sheegay qiimaha ay isu-duweyaasha gobollada ee hay’adda shaqaaluhu ku leeyihiin socodsiinta hawsha ay hay’addaasi ka hayso dhammaan gobollada dalka, waxaanuu intaas ku daray in tababbarkaasi ka mid yahay tallaabooyinka kor loogu qaadyo aqoonta masuuliyiintaas.

Guddoomiye Farxaan wuxuu intaas ku daray in hay’adda shaqaalaha dawlada ay sannadkan u qorshaysan tahay inay diiwaan gelin ku samayso shaqaalaha ka hawl-gala qaar ka mida hay’addaha dalka, kuwaas oo aan hore ugu jirin diiwaanka hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland, waxaanu masuuliyiinta hay’adda ee gobollada dalka u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan hawshaas baaxda leh.