Wasiirka Maaliyadda oo Furay Kulan lagu Naaqishayo Dekhli soo saarka Cashuuraha Beriga Iyo Kastamyadda

Hargaysa – (WARSOOR) -Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa furay Kulan lagu qiimaynayo Siduu u soo baxay Dekhliga Waaxyaha Cashuuraha Bariga iyo Kastamyada ee Lix Bilood laha ahaa.

Waaxyaha  Cashuuraha Beriga Iyo Kastamyada ee Goboladda iyo degmooyinka Dalka ayaa madashaasi ku soo bandhigay Warbixino la xidhiidha dekhli soo saarkooda iyo kharashkii waax kastaba laga rabay marka la eego Miisaaniyadda qaranka.

Waaxda Cashuuraha Beriga ayaa boqolkiiba afar ka kor martay Dekhligii laga rabay Lixdii bilood ee ugu horeeyay ee Sannadkan,halka ay waaxda Kastamyadu ay Boqolkiiba 10 ka hoos martay dekhligii laga rabay taas oo ay Sababtay Xayiraadii uu Sababay Xannuunka Coronavirus.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa sheegay in laga soo kaban karo hoos u dhicii dekhli ee boqolkiiba 10-ka ah, Iyagoo rajeeyay in Lixda bilood ee u danbeeya sannadka uu is  dabooli doono odoroska Miisaaniyadda u qorshaysan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa u mahadnaqay Maamulayaasha Waaxyaha Kastamyadda iyo Cashuuraha Beriga sidii wanaagsayd ee ay u soo bandhigeen Warbixinadoodda iyo dadaalka balaadhan ee ay Muujiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo furitaankii Kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Kulankani uu faa’iido badan u leeyahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda maadaama ay Wasaaradu qaranka uga mas’uul tahay dekhli soo saarka dalka.