Hay’adda Qxoontiga Iyo Barakacayaasha Oo Agabka Guryaha Kala Wareegtay Hay’adda Bisha Cas

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barackayaasha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa agabka Guryaha kala wareergay hay’adda Bisha Cas ee xafiiskeeda Somliland.

Wareejinta agabkaas oo munaasibad lagu qabtay xarunta hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Ciise Maxamuud oo ah guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee hay’adda Bisha Cas iyo Cabdilaahi Cilmi Cali oo ah madaxa masiibooyinka ee hay’adaasi, kuwaas oo sheegay in ay agabkaas iska soo urururiyeen shaqaalaha lixda gobol ee hay’addaasi.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay agaasimha waaxda Barakacayaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Maxamuud Yuusuf Cali, oo sharaxaad ka bixiyey agabkaas iyo qaybaha uu ka kooban yahay, wuxuuna xusay in ay ka faa’iidaysan doonaan dadka loo qorsheeyey.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), oo masuuliyiinta hay’adda Bisha Cas uga mahadceliyey  agabkaas ay ku wareejiyeen, isaga oo sheegay in ay gaadhsiin doonaan dadka u baahan ee loogu talo galay isla markaana uu wax weyn ka tari doono baahida ay dadkaasi u qabaan agabkaas guryaha.