Wasiirka Ka Tirsan Maamul Goboleedka Shirshabeele oo u Dhintay Coronavirus

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku geeriyooday
qofkii labaad ee u dhintay xanuunka dunidda aafeeyey ee Coronavirus.

Marxuunkan geeriyooday oo ahaa wasiiru dawlaha Cadaaladda ee
maamul-goboleedka Hirshabeele sidoo kalena ahaa Xildhibaan ka mid ah
baarlamaanka hirshabeele. Marxuunkan ayaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan
Khaliif Muumin.

Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Hirshabeel Cali Guudlawe Xuseen
ayaa xaqiijiyey dhimashadda wasiirka.

Wararka laga helayao warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Tooxow oo
haystay dhalashadda Ingiriiska ayaa la sheegay inuu safar ugu baxay dalka
Ingiriiska ka hor bishii February.

Ninkan dhintay oo da’diisu ahayd 58 jir ayaa Wasiirka caafimaadka ee dawladda federaalka ee Soomaaliya Marwo. Foosiya Abiibakar  Nuur ayaa u sheegtay warkan boogeeda Twitter-ka.