Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo La Kulmay Madaxwaynaha Jabuuti

Jabuuti – (warsoor) – Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf (XAWAR)  wafti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirka Qorshaynta Qaranka JSL Cawaale Ibraahim Shirwac iyo safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayo oo kulamo kala duwan maalmihii u danbeeyey la qaadanayey madaxda kala duwan ee jamuuuriyada Jabuuti ayaa maanta kulanka ay la qaateen Madaxwayne Ismaacil Cumar Geele daaranaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo walaalnimada labada dal ee Somaliland Iyo Jabuuti taasi oo ah xidhiidh soo jireen ah.

Geesta kale masuuliyiinta maanta la kulmay madaxwaynaha ayaa waxay maalintii shalay booqosho ku tageen goobo taariikhi ah iyo waliba goobo cilmi baadhis oo jamuuriyada jabuuti leedahay, kulankani maanta ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Jamuuriyada jabuuti ayaa ah mid si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey wasiirada Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf( XAWAR) iyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo uu ku weheliyo safiirka Somaliland ee u fadhiya Jabuuti Amb Cabdifataax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.