Madaxweynaha Somaliland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-269/022019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol iyo ku xigeenkiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Axmed Diiriye CabdillaahiGuddoomiyihii hore ee Gobolka Daad-madheedh
Ku: Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale)Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh

Ujeeddo: Xil-ka-Qaadis
Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh.
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In aan masuusiliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Nuur Cismaan Guuleed Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh 2. Maxamed Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi CabdiMadaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.