Wasiirka Duulista Oo Kormeeray Madaarka Burco Bilawga Wakhtiga Dhismaha Runway-ga Madaarkaasina Ku Dhawaaqay

Burco – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Ciraka Farxan Aadan Haybe oo socdaal shaqo ku joogay maalmahanba Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa kor meeray Madaarka Magaaladaasi qaybihiisa kala duwan.

Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in Runway-ga Madaarkaasi la bilaabi doono dhismihiisa horaata Sanadka soo socda ee 2017, kulan uu Wasiirku Xafiiska Maamulaha Madaarka Burco ku qaatay Masuuliyiinta kala duwan ee Madaarkaas, ayaa ahaa  mid lagaga wada hadlaayey danaha iyo mustaqbalka Madaarka.

Maamulaha Madaarka Burco Cabdi Yaasin iyo Gudoomiyaha Gudiga  dib u dhiska Madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey halka ay Marayaan   hawlaha dib u casriyanta Madaarka, ugu horayan Maamulaha Madaarka Cabdi Yaasin oo halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi: “waxaa farxad weyan ii ah in aan halkan ku soo dhaweeyo mar labaadkii, Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Waftiga uu hogaaminayo, waxaa in badan aanu halkan kaga hadlanay ama la iska waydiiyey Madaarka Burco, oo hadal hayntiisu aad u badnayad, ayaa waxaanu ugu bushaaraynaynaa, in maanta halkan waftigani ay u marayaaan, sidii ay u dhigi lahaayeen  ama u tilmaami lahaayeen goobta shaqadu ka bilaabmayso.”

download-1Wasiirka Wasaarada Duulista Farxaan Aadan haybe  oo halkaasi ka hadlay ayaa ydhi: “Madaarkan runtii dadaal badan ayaa la galiyey, dadaalkaasina waxa uu ka yimi isku tashigeena ka Xukuumad ahaan iyo Dadweynaha Tuntunta u ah Dalkan,ama Dhaqaale ha noqoto ama Talo ha noqotee, awoodaa la isu geeyay ayaa keentay suurtagalnimada ah in maanta lagaba fikiro sidii Runwaygiisa loo samayan lahaa iyo Terminal-ladiisa, awal dhul la degan yahay ayuu ahaa waa la baneeyay sidaan taariikhda ku hayo, Xayandaabkaas dheer ayaa la sameeyay ee qaybina ay tahay dhismaha qaybina ay tahay Taarka, runtii waan uga mahad celinayaa Maamulaka iyo Gudigaba, isku duubnaantaa iyo feejignaantaa iyo ka hawal galistaa, waxa aynu  ognahay Madaar in Runway-giisa la sameeyaa shaqo fudud maaha, waa hawl runtii u baahan ka fiirsasho iyo aqoon iyo xirfad u baahan weeye, Nashqadihii way noo yimaadeen, maantana halkan waxaanu jooganaa waxa weeye ee aanu ilaa xalayba shirarka ugu jirnay, sidii loo bilaabi lahaa iyo qaabkii loo bilaabi lahaa in aanu qorshayno, dhismaha ugu  horeeya ee Runway-ga.

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista

Tel: 063 4424571

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.