Wasiirka Duulista Oo Kormeer Ku Tegay Madaarka Ceerigaabo

Ceerigaabo – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo socdaal shaqo ku jooga Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa booqashu ku tagay Madaarka Magaaladaasi, waxaa Wasiirka warbixin halkaa ku siiyey Badhasaabka Gobaolka Sanaag, Maayarka Degmada Ceergaabo, iyo Isuduwaha Wasaarada Duulista.

ceerigaabo-2

Isuduwaha Wasaarada Duulista ee Gobolka Sanaag Aadan  Yuusuf Muuse oo ugu horyan ka warbixiyey xaalada Madaarka ayaa yidhi:- “ Mudane Wasiir Xaalada Madaarku horta waa taas, waxaan halkan ka codsanaynaa in Madaarka Xafiisyadiisa loo dhiso, si uu u noqdo Madaarku mee ay joogaan hawlwadeenadii Wasaarada Duulistu, waxaan jecelahay in aynu Runway-ga laftiisa aynu hoos u raacno oo aynu isla eegno meelaha in la simo u baahan .”

Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaji  Nuur ayaa isna halka kaga dhawaaqay in ay bilaabayaan Wadada Madaarka ilaa Magaalada, sidoo kalena waxa uu Wasaarada Duulista ka codsaday in ay Sanadka danbe qorshaha ku darsadaan, isaga oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:-“Mudane Wasiir Madaarkani, waa Madaarka Gobolka Sanaag, in uu dayacan yahayna waad aragtaan, waxaanu balan qaadaynaa in aanu intii loo baahnaa Madaarka aanu gaadhsiino oo aanu xayandaab ka samayano, waxaanu rajaynaynaa farsadan maanta in aanu anagu leenahay, waayo dee Madaaradii Galbeedku Boorama ilaa Burco way dhismeen,Magaalada ilaa halkan Madaarka laamigii iman lahaa, indho-indhayntiisii (Survey) shalay aanu dhamaynay , oo qolo ayaanu heshiis in la sameeyo  .”

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi:- “Wasiir Garoonku sidaa aad u aragto waa Madaar runtii dayacan, wixii anaga taagtayada iyo tamartayada ah aniga iyo Maayarku iyo bulshaduba waan isla kaashanaynaa, waxaanu kaa codsnayanaa in Madaarka dhulkiisa la Xayandaabo, xayandaabka marka la sameeyo wixi kale way iska iman ayaan qabaa, waxaan Amar ku bixinayaa ugu yaraan Shan Kiiloomitir (5KM ) oo isku wareeg ah in laga baxo dhulka Madaarka, Miisaaniyada Sanadka 2017 Madaxweyne noogu dar  qorshaha Madaarka, waa codsi aanu codsanay anaga iyo Dadweynahayaguba”

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo halkaa kaga dhawaaqay talaabooyin hor leh oo ay Wasaaradiisu wax kaga qabanayso Madaarkaasi ayaa yidhi:- “Runtii wakhti yar ayaan joogay anigu Wasaarada, waa Madaarkii ugu horeeyay ee aan soo booqdo marka laga yimaado ka Hargaysa, waa qasab ka masuuliyad ahaan ka Wasiir ahaan Wasaaradaydu in ay eegto Madaarada oo dhan wixii qabyo ah iyada oo qorshaha Sanadka lagu dari doono, kolay dee gacmo badan oo iskaashi ayeynu leenahee in loo sameeyo sidii awood iyo dhaqaale loogu heli lahaa, waxaase mudan Dadku iyagaa iskaashada iminka, kana waxaan hubaa Ilaahay Idamkii in aanu sanadkan Xayndaabka aanu qayab ka qaadano sidii wax looga qaban lahaa, inaga oo taa ka duulayna waxaan odhan lahaa waa in aynu samaynaa Gudidii Haruumarinta Madaarka.”

Ismaacil Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.