Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay sharciga la dagaalanka musuqa & dhaqangalkiisa

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa manta ka warbixiyay qodobo la xiriiray sida ay lagama maarmaanka u tahay hirgalinta dowlad wanaagga iyo toosinta maamulka heyโ€™adha xukuumaddda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka oo manta ka hadlay  kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Lagu guuleystay diyaarnta  sharciga la dagaalanka musuqa  iyo dhismaha guddi madax bannaan oo u howlgala ilaalinta hantida umadda.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay im ay socdaan sameynta qorsho lagu dhameystirayo habraaca aasaasiga u ah shaqada guddiga madaxa bannaan iyo meel marinta sidii heyadaha dowaladda loogu dabaqi lahaa dhaqangalinta sharciga la dagaalanka musuqa.

Wasiirku,waxa uu ka dhawaajiyay in la dagaalanka musuqa iyo toosinta maamulka ay dani ugu jirto shacabka,wuxuuna Soo jeediyay in la taageero qorshaha dowladda ee lagu raadinaato xal waara oo loo helo musuqa iyo wax isdaba marinta.