Muqdisho: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel-udhow madaxtooyada

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay maqaayat ku taala bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.

Warar qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay qof walxaa qarxa isku soo xiray oo gudaha u galay mayaayadda Blue Sky, oo ku dhow xaawo taako.

Uuro iyo qiiq madow oo oo cirka isku shareeray ayaa qeybo badan oo magaalada ah laga arkay, waxaana durbadiiba goobta xiray ciidamadad dowladda.

Wariyaha VOA, Cabdulcasiis Barrow, oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu arkayay gaadiidka ambalasta oo halka uu qaraxa ka dhacay ka soo qaadaya dad.

Weli ma cadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa, waxaase jira warar sheegaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac ah. waxaana uu qaraxu dhacay xilli uu mashquul badan ka jiray Maqaayadda.