Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Dhagax-dhigay Rug Caafimaad oo laga Hirgelinayo Baki

Hargeysa -(warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Md. Cumar Cali Cabdilaahi ayaa dhagax-dhigay ย xarun caafimaad oo Xukuumaddu ka dhisayso Tuulada Kala-baydh ee degmada Baki ee gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA ee gobolka Awdal, Cabdisalaan Saaha, waxa ka qaybgalay xafladii loo sameeyey dhagax dhiga xaruntaas caafimaad ee laga binaynayo tuulada Kala-baydh ee degmada Baki, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Maamulka degmada Baki iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Baki, Dayib Xasan Raage ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismaha xarunta Hooyadda iyo Dhallaanka ee laga hirgelinayo Tuulada Kala-baydh, waxaanu xusay in deegaankaasi baahi weyn u qabeen xarun caafimaad, maadaama oo ay jiidaasi ku yaallaan 7 tuulo oo aan xarumo caafimaad laheyn.

 Iskuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Awdal Mustafe Muumin Muuse oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka dhabeysay dhismaha xarunta caafimaad ee laga dhagax dhigay Tuulada Kala-baydh ee degmada Baki, dhismahaasi oo uu tilmaamay inay muddo dheer codsanayeen.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Cumar Cali  Cabdilaahi ayaa sheegay in dhismaha xaruntani tahay mid ku jirtay qorshe sannadeedka Wasaaradda, waxaanu balanqaaday in mustaqbalka dhow laga dhigi doono Cusbitaal adeeg ballaadhan ay bulshadu ka hesho oo laga hawlgelin doono dhakhaatiir kala duwan.

Wasiirka Caafimaadku wuxuu intaas ku daray in Wasaaraddu dedaal ugu jirto sidii deegaannada kala duwan ee dalku ay u wada heli lahaayeen adeegyo caafimaad  oo ah xaq dastuuri ah.