Wasiirka Boostada & Isgaadhsiinta Soomaaliya oo soo dhoweeyay ansixinta Hindise-sharciyeedka Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Boostada, Isgaadhsiinta & Teknoolojiyada Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweeyay goโ€™aankii ay Golaha Wasiirradu shalay ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka oo ay soo diyaarisey Wasaaradda Boostada, Isgaadhsiinta & Teknoolojiyada.

Xeerkan oo soo jiitamayay sanado badan ayaa la dardargeliyay bilihii la soo dhaafay si loogu guuleysto horumarinta iyo xeer-nidaaminta Isgaadhsiinta dalka, isla markaana loo daryeelo xuquuqda isticmaalayaasha adeegyadan iyo shirkadaha isgaadhsiinta dalka.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa bilihii la soo dhaafay qabanqaabisay wada-tashi balaadhan oo looga arrinsanayay xeerkan, iyadoo kulamadaas ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, Guddiga Isgaadhsiinta iyo Warfaafinta ee Golaha Shacabka, dawlad-goboleedyada, shirkadaha adeegga isgaadhsiinta iyo internet-ka iyo bahda waxbarashada.

Wasiirka Boostada, Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan uu ka mid ahaa waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh hoggaanka cusub ee Wasaaradda. โ€œArrinta ugu muhiimsan ee si degdeg ah loogu baahan yahay waa in sharci iyo nidaam loo helo isgaadhsiinta Soomaaliya oo horumar weyn sameysay. Marka sharcigan uu ansixiyo Baarlamaanka, wuxuu shirkadaha u furi doonaa fursado badan, wuxuuna noo sahlayaa inaan shirkadaheena ku difaaci karno dalka gudahiisa iyo heer caalamibaโ€.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid noqon doona kuwa ugu horreeya ee la horgeeyo marka la furo Golaha Shacabka uu dib u furmo bisha Luulyo ee soo socota.

Xigasho: SONNA

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap