Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo Turkey kula kulmay Madaxa Hay’adda TIKA

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hay’adda TIKA, Dr Serdar ÇAM.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ÇAM Madaxa Hay’adda TIKA, ayaa kawada hadlay sidii Hay’addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto, si dhaqaalaha dalka loo horumariyo.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.