Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray xarunta ciidanka Qeybta 27-aad ee Lamagalaay (Beledweyne)

BELEDWEYNE – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xarunta Ciidanka Xoogga Dalka ee Qeybta 27-aad ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa u guur galay xalaadda ciidanka oo shaqo weyn ka haya deegaanka oo ay ugu horreyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka, waxaana uu kula dardaarmay inay laba laabaan shaqadda adag ee ay hayaan.

Wasiirka ayaa sido kale warbixin ka dhagaystay Saraakiisha ciidanka oo ugu horreeeyo Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 21-aad Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim iyo Saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax, ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxaana uu kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan shacabka gobolka Hiiraan