Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Oo Shaaciyey lix Mashruuc Oo Ay Ku Tartami Doonaan 113 Shirkadood

Hargeysa – (warsoor) – Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa tartan u qabtay 113 shirkadood oo ku tartami doono lix mashruuc oo xukuumaddu ka fulin doonto gobollada dalka qqarkood.

 Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda ay shirkaduhu ku tartami doonaan oo uu xusay in laga hirgelin doono deegaanada Yagoori, Haro-sheekh, Jaamacadda Nugaal Sallaxley, Yubbe Wajaaleiyo gaadiid ay u baahan tahay dawladdu, wuxuuna sheegay in shirkadaha ku tartamaya mashaariicdaas looga baahan yahay in ay ku qalsoonaadaan guddida.

Agaasimaha guud  guddida qanadaraasyada qaranka  Cabdirisaaq Axmed Diiriye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay eegi doonaan  dhukumantiyada tartamayaasha, isla markaana ay si cadaalad ah u kala saari doonaan shirkadaha ku tartamaya mashaariicahaasi.

Gabgabadii waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mida masuuliyiinta shirkadaha ku tartamaya mashaariicadaas lixda ah oo sheegay in ay marar hore ka qeyb galeen tartan sidan oo kale ah islamarkaana ay ku kalsoon yihiin guddida qandaraaasyada qaranka.