Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay boqorka Dalka Sacuudiga

SACUUDI CARABIYA – (WARSOOR)- Wasiirka Arrimaha Dibada JFS Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Binu C/casiis.

Wasiirka oo ay la socdaan wafdi her sare ah .waxa uu Boqorka dalkaasi u gudbiyay Salaan uu ka sido Madaxweyne Farmaajo,isagoo xusay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhaw oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la sii ambaqaado iskashiga iyo wax wada qabsiga labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

XIGASHO: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.