Pompeo oo mar kale difaacay go’aankii lagu dilay Soleimani

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa mar kale difaacay tallaabadii dawladdiisu ku bartilmaameedsatay kuna khaarajisay taliyihii ciidamada Qudus ee ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Irian Qasem Soleimani.

Mike Pompeo ayaa goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay magaaladan Washington, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in Iran aysan dili doonin dad Maraykan ah, isgaoo ku hanjabay in madaxweyne Trump uu si adag uga jawaabi doono.

Iran ayaa waxay horey u sheegtay inay “aargudasho darran” oo ka dhan ah Mareykanka ka sameyn doonto dilka Jeneral Qasem Soleimani.

XIGASHO: VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.