Wasiiradda Maaliyada ee Waddamada Geeska Afrika oo Shir Yeeshay

JABUUTI – (WARSOOR) – Wasiirada Maaliyadda ee waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, iyo Suudaan ayaa ku kulmay shir ka dhacay caasimadda dalka jabuuti oo lagaga hadlayey isku xidhka gobolka geeska Afrika sida ganacsiga, suuqa Tignoolojiyadda iyo ka faa’idaysiga Tamarta.

Barnaamijka Hindisaha geeska Afrika oo ay ku midaysan yihiin waddamadani ayaa lagu lafaguray shirka, wasiirka Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee Jabuuti Muuse Dawaleh ahna xoghaya ururka ayaa sheegay in barnaamijkan lagu bixin doono dhaqaale gaadhaya 3.3 Bilyan oo Dollar.

Wasiirada Maaliyada ee ku sugan Jabuuti waxaa ku wehelinayey kulanka Mrs. Nnenna Nwabufo, Agaasimaha guud ee Bariga Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyo Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workineh Gebeyehu.