Golaha Guurtida oo Duuduub ku Ansixiyey Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaliland ayaa duuduub ku ansixiyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Ansixinta Asxaabta QarankaGolaha oo ay fadhiyeen laba iyo konton Xildhibaan waxa ogolaaday sideed iyo afartan Xildhibaan waxana diiday laba diiday Xildhibaan 1 xildhibaan ayaa ka aamusay sidaasi ayuu ku ansaxay.