Wasiir Maareeye oo daah furay adeeg casri ah oo lagu soo kordhiyay Warbaahinta Qaranka

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta daah furay adeeg cusub oo ay Wasaaradda Warfaafinta soo kordhisay, kaasi oo ku saabsan in bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay si toos ah ugala socon karaan taleefankooda gacanta ah barnaamijyada, wararka iyo waxkasta oo ka baxa Warbaahinta Qaranka, sida SNT1, SNTV2 iyo Radio Muqdisho.

“Waxaa sharaf noo ah maanta inaanu furno horumar kale weyn, oo Warbaahinta Qaranka gaartay, oo ah inaan sameynay, App ama teknoloojiyo casri ah, oo Warbaahinta Dowladda, sida Tv-ga Qaranka, Somali National Tv1, Somali National TV2 iyo Radio Muqdisho kuu saamaxaya meelkasta oo aad adduunka ka joogto iyo goob kasta oo aad joogto inaad mobile-kaaga live ugala socon karto” ayuu yiri Wasiika Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in muddo yar ka hor ay Wasaaraddu ku guuleysatay inay hirgeliso adeegga warbaahin danabeedka oo  ku dhawaad saddex milyan oo qof lagu quudiyo, kuwaasi oo heli maalinkasta xogta dowladda iyo horumka ay ku talaabsatay.

Warbaahinta Qaranku waxay maanta macaamiisheeda iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo kordhisay adeeg cusub oo kuu saamaxaya in aad mobilkaaga si toos ah (Live) uga daawato SNTV1 iyo SNTV2, una dhegaysato Radio Muqdisho meel kasta, goob kasta oo aad joogto, ogow adeegu waa lacag la’aan. Fadlan Raac tilmaamaha oo soo dejiso App-ka, kaddibna la soco warar, Barnaamijyo, Madadaalo iyo horumarka dalkaaga iyo dadkaaga oo xiiso leh.

XIGASHO: SONNA