Dibadbaxyo rabshado leh oo ka dhacay Minneapolis kadib dilka nin madow ah

MINNEAPOLIS – (WARSOOR) – Dibadbaxyo ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, oo lagaga soo horjeeday dil askari caddaan ahi uu u geystay nin bulshada madow ee Maraykanka ka soo jeeda, ayaa isku beddelay rabshado iyo bililiqo loo geystay labo dukaan oo waaweyn ee koonfurta magaalada ku yaalla.

Dibad-baxyada oo sii kordhayey Arbacadii ayaa sidoo kale lagu gubay ugu yaraan hal dukaan oo kale.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha, ugana hor-istaagaan inay usoo gudbaan aag la hareereeyey oo ah halka lagu dilay George Floyd.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa dadka ku booriyey inay ka fogaadaan aagaas, oo u ku sheegay mid iminka xaaladeeda ay aad halis u tahay.

Dibad-baxayaasha ayaa dalabanaya in lasoo xiro oo shacriga la marsiiyo askartii ku lug lahayd dilka ninka madow, oo shaqada boolis ee magaalada laga eryey maalin ka hor.

Wariyaha VOA-da ee gobolka Minnesota Maxmuud Mascadde ayaa intii uu dibad-baxa socday wareystay Liibaan Xuseen oo ah suxufi madax banaan oo ku sugnaa goobta ay bililiqada iyo rabshaduhu ka socdeen.

XIGASHO: VOA SOMALI