Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha oo ka qayb gashay daahfurka barnaamij loogu tala galay kobcinta maskaxda

Hargeysa (WARSOOR)-Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha ayaa ka qayb gashay daahfurka barnaamijka UCMAS Kaas oo loogu tala galay in kor loogu qaado garaadka caruurta.

Guddoomiyaha barnaamijka UCMAS ee Somaliland  Siciid Maxamed Maxamuud oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in  barnaamijkani muhiim u yahay kobcinta maskaxda iyadoo laga aasaasay markii ugu horaysay dalka Maleesiya lagana isticmaalo 85 dal oo daafaha adduunka ah, guddoomiyaha ayaa sheegay inay barnaamijkaasi gaadhsiin doonaan dalka oo dhan iyadoo loogu talagalay in kor loogu qaado awoodda maskaxeed ee carruurta yaryar.

Culimo awdiin, maamuleyaal iyo Bareyaal jaamacadeed oo ka hadlay daahfurka barnaamij xisaabeedka caruurta ee UCMAS ayaa bogaadiyay  dhalinyarada dalka keentay fikradaasi.

Yurub Abiib Cabdi Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga oo kamid ahayd masuuliyiinta kasoo qayb gashay xafladda badhigga barnaamijka UCMAS waxa ay sheegtay in barnaajkaasi uu kor u qaaday maskaxda carruurta isla markaana ay ka faaโ€™iideen.