Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha oo kormeer ku tagay gobolka Hawd

Balligubadle – (warsoor) – Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay gobolka Hawd iyadoo halkaas uu kaga qayb galay tababar ay qaadanayeen Eng-neerada biyaha ee wasaaraddda iyo xubno ka socday arday Jaamacadda Golis.

Maxamed Maxamuud Mooge agaasimaha waaxda farsamada Biyaha ayaa sheegay ujeedada tababarku inay ahayd sida loo sameeyo sahaminta Biyaha dhulka hoostiisa ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir  oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay masuuliyiinta wasaaraddu halgan ugu jiraan sidii loo kordhin lahaa Aqoonta biyaha dhulka hoostiisa iyo sidii loo kobcin lahaa.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray soo saarista Eng-neero cusub iyo kordhinta aqoonta kuwii horey inay sahlayso in gobolkasta oo dalka ah Biyo laga soosaaro.