Wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland oo xadhiga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyay cusbitaalka Hargeysa International

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka ayaa kormeeray qaybaha Cusbitaalka Hargeysa international islamarkaana warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta cusbitaalka waxanay uga warameen Aasaaska cusbitaalka iyo marxaladahii uu soo maray.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buurri ayaa ugu dambayn xadhiga ka jaray qaybaha cusub ee lagu kordhiyay cusbitaalka Hargeysa International. Wasiirka ayaa usoo jeediyay masuuliyiinta cusbitaalka Hargeysa International inay bulshada danyarta ah u naxariistaan isla markaana ugu addeegaan qiimo jaban.