Wasaaradda Horumarinta Biyaha Oo Tabobar U Qabatay Hawl-wadeeno Ka Tirsan Wasaaraddaasi

Hargeysa (SOLNA)-Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmded Cabdi Ismaaciil, ayaa tabobar u furay hawl wadeeno ka tirsan wasaaradaasi oo ka kala socday gobollada Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag.

Sida uu ku soo waramayo wariye Mahad Ibraahin Aadan (Madah Soomane) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Togdheer, wuxuuna tabobarkaasi ku saabsanaa ilaalinta iyo daryeelida ceelasha ku yaala gobolladaasi, kaas oo ay fulinaysay wasaaradda Biyaha oo kaashanaysa hay’adda Islaamik Riliif.

Ugu horeyn waxa tabobarkaas faahfaahin ka bixiyey agaasimaha waaxda tabobarada iyo cilmi baadhista ee wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Muumin iyo agaasimaha waaxda ceelasha ee wasaaraddaasi Maxamed Mooge, oo sheegay in tabobarkaas loogu talo galay in ay ka qaybqaataan lix iyo lixdan qof oo ka socda kow iyo toban ceel oo ku kala yaala afartaas gobol, isla markaana ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii ay ceelashaasi u shaqayn lahaayeen dadka gacanta ku haya aqoontoodana kor loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Maxamed Cawil oo ka socday hay’adda Islaamik Riliif, oo tilmaamay dedaalada ay hay’addoodu ugu jirto qodista ceelasha iyo kor u qaadida xirfada dadka gacanta ku haya miishiinada ceelasha iyo kuwa kale ee ka shaqeeyaba, isaga oo intaas ku daray in ilaalinta, dabagalka iyo dayactirka ceelasha ay masuuliyadeeda leedahay wasaaradda horumarinta Biyuhu.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil, oo sheegay in shaqaalaha lagu tabobari doono cilad ka saarista mishiinada ceelasha iyo Riiggaga ay masuuliyadooda hayaan, isla markaana si wanaagsan loogu adeego bulshada biyaha ka cabta ceelashaasi.