Wasiir Hore ee Warfaafinta Somaliland Cukuse oo Ka Fal celiyey Cafiskii Madaxweynaha Somaliland u fidiyey Ciidamada Caare

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Cukuse ayaa ka falceliyey sida uu u arko cafiskii madaxweynaha Somaliland u fidiyey ciidamada Kornayl Caare.

Wasiirka oo maanta (Axad) waraysi gaar ah siiyey Telefishanka madaxa banaan ee Sahan ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Somaliland ku cafiyey ciidamada kornayl Caare ay tahay arin taariikhi ah. Siyaasi Cukuse ayaa taageeray go’aanka madaxweynaha Somaliland.

Halkan ka daawo warka wasiirka oo aan ka soo xiganay Youtube-ka Sahantv:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.