Pro. Cali Khaliif Galeyr oo ku wajahan Muqdisho + Ujeedka

Hargeysa – (warsoor) –  Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta shaaciyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa inuu u ambabaxayo magaalada Muqdisho.

Prof. Galeyr ayaa sheegay in uu Muqdisho u tageyn arrimo siyaasadeed, balse uu ugu safrayo arrimo gaar ah oo kaga xiran caasimada umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Cali Khaliif ayaa sidoo kale waxa uu rajo fiican oo ka duwan quustii hore ka muujiyey dhaqan-galida heshiiskii uu la galay Xukuumadii Siilaanyo, taasi oo uu sheegay in uu Madaxweyne Biixi uu fulinayo.

Prof. Cali Khaliif Galeyr, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wax siyaasad ku shuqul leh maaha waxaan Xamar u aadayo, waa wax gaar ah oo shaqsi ah. waxaana soo laabanaya muddo toban cisho ah”.

“Howsha reer khaatumo halkan bey ka socota (Somaliland). Waxaana ku rajo weynahay in markaan soo noqdo arrintan la kala tuuro, meel fiicana wey mareysa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Muuse Biixi iyo Siilaanyo waxay ahaayeen xisbigii Kulmiye, Muuse-na wuxuu ahaa guddoomiyaha kulmiye, heshiiskana waxaanu la galnay maamulka Kulmiye. Wal-wal kamaanu qabin in Muuse fulin waayo ee fursadii unba suuroobi weyday oo waxay u baaqdeen hab farsamo”.

Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhowr-jeer oo hore sheegay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhago adeygayso fulinta heshiiskii uu la galay Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, balse dhawaaqan maanta ayaa waxa uu muujinaya inay wax iska badaleen aragtidii Biixi ee ku aadaneyd heshiiskaasi.

Halkan ka daawo warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=3NjPGuIpppY

Xigasho: caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.