Wasiir Hinda Gaani: “Waxan qirayaa in ay waxyeelo balaadhan gaadhay”

Hargeysa – (warsoor) – Roob mahiigaan ah oo 8-dii saacadood ee habeen hore ka da’ay gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in uu khasaare soo gaadhsiiyay guryo iyo dugsi ka ag dhawaa Dooxa weyne ee magaaladda Burco.

Sida ay Wargeyska Dawan u sheegtay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha bulshada iyo Qoyska ,Marwo Hinda Jaamac Xirsi waxa ay faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay roobabkaasi mahiiganka ah waxanay sheegtay in aanu jirin wax khasaare nafeedda oo uu roobkani gaystay.hase yeeshee uu waxyeelo soo gaadhsiiyay guryo, isla markaana uu bur-bur soo gaadhay hantidii dhextaalay.

“intii aan joogay wuxu qaaday gabadh lamaan oo ilmo sidata ,dad dabaasha yaqaana ayaa badbaadiyey , waxan qirayaa in ay waxyeelo balaadhan gaadhay , ka dawlad ahaan markii hore waxaanu ku jirnay gurmad la xidhiidha Covid-19 tanina waa mid kusoo korodhay” ayey tidhi

Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in khasaaraha roobka ay la kulantay xilli ay safar shaqo ku jirtay ,waxanay xustay in ay wargelisay wasiiradda hawlaha guud iyo beeraha oo ay si gaar u khusayso madaama uu roobku dhibaato gaadhsiiyey beeraha degmada beer ee gobolka Togdheer iyo guryaha ay lahayeen dadka danyarta ee ku geedaaman dooxa weyn ee Magaalada Burco .

“Waxaa magaalada Burco ka da’ay roob aad u baxaad badan, kaasoo socday muddo Sideed saacadood oo xidhiidh ah, oo aan kala go lahayn, Ilaa hadda ma jirto dhibaato nafeed oo uu roobkaasi gaystay. Balse waxaa jira khasaare mood u badan oo roobka ka dhashay. Dadka dooxa ag deggan oo kale guryahooda wixii u yaalay oo dhan wuu ka qaaday, keliya nafahooda uun bay kala baxeen. Dugsi cusub oo laga dhisay dooxa agtiisa ayaa isna dumay,  waxanan xidhiiidh la sameeyey wasiiradda wasaaraddaha hawlaha guud iyo beeraha madaama uu daadku kusoo fatahay degmada beer oo sheegeen in ay u baahan yihiin in la mooso si uu cagafyo ugu dalbo oo daadka uga mooso“

Wasiir Hinda ayaa Bulshada usoo jeedisay in ay is caawiyaan oo is taageeraan, Waxaanay ku baaqday in agabka guriga oo ugu mihiimsan lagu taageero madaama daadku burburiyey guryahoodii wixii dhexyaallayna ka qaaday .