Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si aad ula dagaalantay Musuq Musaaqii jiray waxaana ay rajo wanaagsan ka muujisay in gebi ahaanba las oo afjaro Musuqmaasuq iyo maamul xumida.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in waxa ugu wayn ee ay Wasaaradda xooga saartay uu yahay la dagaalka Musuqmaasuqa asagoo xusay musuqmaasuqa in uusan ahayn kaliya lunsasho lacageed oo ay ku jiraan musuqmaasuq la xiriira Maamul Xumida Dowladeed.
Wasiirka ayaa sheegay in ay xooga saareen isla markaana dadaal badan ku bixyeen sidii ciidamadda Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah u heli lahaayeen Mushaaraadkooda iyo xuquuqda kale ee ay dowladda ku leeyihiin.
Xigasho: SONNA
This post is also available in:
Somali