Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo agab caafimaad kala wareegtay Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa agab caafimaad kala wareegtay Hay’adda bisha case e Imaaraadka carabta.

Sheekh Xasan oo ka wakiil ahaa agabkaasi caafimaad ee lagu wareejiyay wasaaradda ayaa sheegay in agabkaasi loogu talay in la gaadhsiiyo cusbitaalada dadka jilicsani ay jiifaan iyadoo ay ka koobnaayeen Talaagdaha biyaha qaboojiya, Sariiro iyo agab kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caadimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ka mahad celiyay agabkaasi lagu wareejiyay waxaanu sheegay inay waxwayn katarayso baahida loo qabo in biyo nadiif ah loo helo dadka jilicsan waxaanu sheegay agaasimihu in loo qaybin doono cusbitaalada.

Ugu dambayna waxa agabkaasi guddoomay wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri waxanu u mahad celiyay hay’addii agabkaasi soo gaadhsiisay.