Guddoomiye Mursal oo ku dhowaaqay muddo kororsi

Muqdisho – (warsoor) – Guddomiyaha Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa ka dhawaajiyay in isaga iyo xildhibaanada hadda jira ay xilka sii heyn doonaan ilaa laga helo baarlamaankii badali lahaa.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waqti kororsiga baarlamanka ku dhowaaqay maanta,  isaga oo shir gudoominayay kulankii 7-aad ee kalfadhigii 8-aad ee golaha shacabka kaas oo laba ajande looga hadlay.

1 – Akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda 2021
2 – Akhrinta 2-aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga

Intii lagu jiray kalfadhigii 8-aad ayuu mar kale ku celiyay in Baarlamaanka 10-aad oo uu gudoomiyaha u yahay ay xilka sii heyn doonaan inta laga dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad ee iyaga badali doona.

Baarlamanka hadda jira ayaa waxa uu muddo xileedkiisa uu ku eg yahay 27-ka December, waxaana muuqata in waqtiga uu ka dhici doono, ayada oo aan la helin baarlamankii beddeli lahaa, maadaama doorashooyinkii ay dib u dhaceen.

Illaa iyo hadda ma cadda xillia ay dalka ka dhici doonto doorasho baarlamaan, ayada oo ay doorashada diidan yihiin Puntland, Jubaland iyo mucaaradka kuwaas oo dalbanaya in waxa laga beddelo guddiyada doorashada.