Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Oo Tabobar U Soo Xidhay Xubno ka Socday Qaar Ka Mid Ah Xarumaha Cafimaadka Ee Gobolka Maroodi Jeex

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta tabobar u soo xidhay xubno ka socday qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee gobolka Maroodi Jeex.

Dr. Maxamed C/raxmaan Madaxa talaalka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland, oo ka warbixiyay tabobarkan ayaa sheegay in hawl-wadeenada goobaha caafimaadka lagu tabobaray baadhista Cudurka Jadeecada iyadoo xubnahanina aqoonta ay korodhsadeen ay sii bari doonaan shaqaalaha caafimaadka ee ka hawl-gala talaalka Jadeecada.

Dr. Maxamed C/raxmaan Madaxa talaalka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in cudurkaasi leeyahay calaamado u gaar ah balse ay jiraan cuduro kale oo la wadaaga shaqaalahanna la bari doono sidii ay Jadeecada uga dhex sooci lahaayeen xanuunada kale.

Talaalka Jadeecada ayaa dhawaan ka bilaami doona gobolka Maroodi jeex, gaar ahaan Degmooyinka Hargeysa, Baligubadle iyo Gabilay.