Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Ku Dhawaaqday Kaalmaha Ku Guuleystay Qandaraaska Shiidaalka Dawladda Hoose Ee Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Dawladda hoose ee Hargeysa oo hore u shaacisay qandaaraaska shiidaalka dawladda hoose ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqday kaalmaha ku guuleystay inay siiyaan shiidaalka dawladda hoose ee Hargeysa. Waxaana goob joog ka ahaa madashii lagaga dhawaaqayay kaalmaha ku guuleystay qandaaraskaasi, maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, maayir ku xigeenka Hargeysa Khadar Nuur, xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa iyo guddida qandaarasyada qaranka ee dawladda hoose ee Hargeysa.

Qandaraaskan oo ay kusoo tartameen lix kaalmood waxa ku guuleystay labada kaalmood ee Somaliland Fuel Station iyo Cumar Xaashi, kuwaasoo noqday kaalmihii ugu qiimaha jabnaa.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddida fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa oo ugu horreeyo maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, maayir ku xigeenka dawladda hoose ee Hargeysa Khadar Nuur iyo xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Siciid, waxaana ay sheegeen in qandaarskani uu ahaa kii ugu horreeyay ee ay bixiyaan isla markaana ay si hufan oo caddaalad ah ay u kala saareen kaalmihii u soo tartamay qandaraaskaasi, iyagoo tilmaamay in hawlkasta oo dawladda hoose ee Hargeysi ay qabanaysana ay nidaamkaasi ay marin doonaan.