Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo Qaban-doonta Tartan Caalamiya

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Dhaliyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa maanta shaacisay inay qaban-doonto tartan caalamiya oo ay ka soo qayb-gali doonaan waddo dhawr ah.

Shir jaraa’id oo maanta lagu qabtay xafiiska Wasiirka Dhaliyaradda iyo ciyaaraha ayaa lagu shaaciyey warkan.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boose Mire Maxamed oo la hadlaayey warbaahinta ayaa sheegay in tartankani uu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in tartankani uu dhici doono 13 March 2020, laguna dhex qaban doono magaaladda Hargeysa dhexdeea.