Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo Soo Gabo-gabeysay Dacwad Loo Haystey Eedeysane

Muqdisho – (warsoor) – Fadhi ay maanta yeelay maxkamadda ciidamada ee Darajadda koowaad ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabo-gabeeyey dacwad loo haystey eedeysane Daacish ka tirsan.

Eedeaysanahaa oo lagu magacaabo Abaa-hureyra waxaa lagu soo eedeeyey inuu khaarajiyey Ex-kormeere saddexaad Maxamuud Cabdi Dhuxulow oo ahaa kaabe-markhaatigii u qaabilsanaa Suuqa Siiney Ilaaladda deegaanka Xamar. Marxuunkan ayaa la dilay 05 August, 2019.

Fadhigan maxkamadda oo ahaa fadhigii labaad ee ay maxkamadda ciidamadu fadhiisato, waxaa maanta lagu dhageystay markhaatiyo soo jeedieyey xogtii ay ka hayeen falkan iyo sidoo kale dooda garyaqaanka difaacaayey eedeysanaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda kowaad ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xidhay fadhigan maxkamadda ka dib markii uu dhamaadey markhaatiyaashii iyo doodii garyaqaanka u doodeyey eedaysanaha.

“Dhageysiga gar-maqalka la xidhiidhey eeda lid ku ah eedeysane Maxamed Cali Maxamed Faarax (Abaa-hurayra) intaasi ayuu ku dhan yahay. Maxkamadda ayaana go’aan ka soo saari doonta”, sidaasi waxaa yidhi Gaashaanle Xasan Shuute.