Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Shaacisay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa shaacisay wakhtiga la qabanaayo tartanka Ciyaaraha gobolladda ee dalka.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha ee Somaliland Boos Mire Maxamed oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaraddaasi ayaa sheegay in Ciyaaraha gobolladu ay ka kooban yihiin Kubada cagta, Kolayga iyo Ciyaaraha fudud, kuwaas oo ka qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.

Wasiir Boos Mire Maxamed waxaa uu sheegay in ciyaaruhu Hargeysa ka furmayaan 27-ka Octobar ee sannadkan 2020-ka waxaanu ugu baaqay in ciyaartooyada ka kala socda 14-ka gobol ee dalka laga rabo in ay ku soo xaroodaan Hargeysa inta aan la gaadhin mudadaasi.

Tiradda Ciyaartooyadda ee tartankan ka qayb geli doona ayaa wasiirku sheegay in ay kala yihiin Kubadda Cagta gobol walba waxaa ka iman doona 18-ciyaartooy iyo 2-tabobare, Ciyaaraha Kolayga 10-Ciyaartooy iyo 1-tabobare, Ciyaaraha Fudud 5-ciyaartooy iyo 1-tabobare.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Boos Mire Maxamed, waxaa uu shaaciyay tartan Kubadda Cagta ah oo loo qaban doono dadka Dhegoolayaasha ah oo ay ka qaybgeli doonaan sadex gobol oo kala ah Maroodi Jeex, Togdheer iyo Awdal tartankaas oo Hargeysa ka furmaaya 19-bishan aynu ku jirno, isaga oo wasiirku ugu baaqay masuuliyiinta gobolladda iyo bahada Ciyaaraha in ay u diyaar garoobaan tartankaasi, isla markaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo masuuliyiinta gobollada ka codsaday in ay kala shaqeeyaan amniga tartanka Ciyaaraha ee gobolladda.

waxaa kale, oo uu wasiirku sheegay in la qabanaayo doorashada xiidhiidhada Ciyaaraha ee dalka oo noqon doona mid heer qaran ah kaas oo bilaamaya 20-Octobar ilaa iyo 21-ka, iyada oo ay ka soo qaybgeli doonaan dhamaan gobolladda Somaliland.