Shir Lagaga Hadlayey Nabadgalyada Oo Lagu Qabtay Deegaanka Kalmac ee Gobolka Sanaag

Hargeysa – (warsoor) – Deegaanka Kalmac oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa lagu qabtay shir lagaga hadlayey nabadgelayada deegaankaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdiqaadir Kaboweyne oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobollka Sanaag, kaas oo ay ka qayb galeen waxgarad, salaadiin, cuqaal iyo xildhibaano ka tirsan golayaasha deegaanka ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afwayn.

Caaqil Cismaan Xirsi Lakac, Caaqil Ibraahin Maxamed Cumar, Yuusuf Warsame, Ganacsade Saalax Maxamed Xasan, oo dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay nabadu iyo sida loogu baahan yahay in bulshada deegaankaasi gacmaha isuqabsadaan oo ka shaqeeyaan horumarka degaanakooda.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka degmada Ceel-Afweyn Maxamed Jaamac Liibaan, Salaadiin iyo Boqoro kulankaasi soo afmeeray ayaa bulshada ugu baaqay ilaalinta nabadgayada iyo in ay la shaqeeyaan Ciidamadda amaanka oo ay u soo gudbiyaan cidii ay u arkaan in ay dhib ka waddo deegaanada Kalmac iyo Siraadlay.