Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Oo Daahfurtay Cilmi Baadhis Ku Saabsan Xuquuqda Caruurta Sharciga Khilaafta

HARGEYSA – (WARSOOR) – Munaasibaddan lagu soo bandhigaayay cilmi baadhista waxa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda caddaaladda, agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda, saraakiil ka socotay ciidamada Booliska iyo ha’adaha dalka.

Waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda haweenka iyo caruurta ee wasaaradda caddaaladda oo iyadu ahayd waaxda cilmi baadhistan ka soo shaqaysay Ismahaan Xaaji Dool iyo gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo ah hoggaan ku-xigeenka hawlaha ciidanka Booliska, waxaana ay sheegeen in qiimayn ay ku soo sameeyeen xaaladda xuquuqda aadanaha ee carruurta Somaliland ee xabsiyada ku jirta, waxaana ay tilmaameen in aanay carruurtu hore u heli jirin xuquuqda xeerarka dalku ay siiyeen, iyaga oo sheegay in dhaqan celin loogu samayn doona xabsiyada dalka carruurtaasi isla markaana ay xabsiyada ku heli doonaan wixii uu sharcigu u dammaanad qaaday.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo isna ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay in xuquuqda haweenka iyo carruurtu ay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee wasaaradda cadaaladda Somaliland ay u hayso qaranka, waxaana uu intaas ku daray daraasaddan ay ka doodi doonaan isla markaana kaabis iyo wax ka badal wixii loo baahdo lagu samayn doono, intaas ka dibna in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u dhaqan gelin doonaan maxsuulka ka soo baxa cilmi baadhistan.

Ugu dambayntii, waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed waxaana uu sheegay in dhallinyartu ay yihiin laf dhabarta dalka sidaa awgeedna ay tahay in laga war hayo oo si gaar ah loola socdo xaaladdooda marka ay xidhan yihiin iyo marka horeba.

Geesta kale, wasiirku waxa uu sheegay in daraasaddan lagaga tashan doono sidii loo maarayn lahaa caruurta yar yar ee khilaafta sharciga dalka u yaalla, isaga oo xusay inuu ku rejo qabo in darasaddaasi ay ka soo baxaan maxsuul wanaagsan oo da’yarta dalka wax tara.